MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ganacsade aad da’yar ayaa meydkisa laga helay goobtiisa ganacsi kadib sedex maalin oo la weysnaa.

Ganacsadahaan oo ahaa 25 jir ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Xuseen waxaana reerkiisa markii ay waayeen saaka ay go’aansadeen in la jabsho bakhaar yar uu ku lahaa isgoyska afarta Jardine waana la jabiyay.

Advertisement

Meydka ayaa laga helay gudaha bakhaarka isagoo fadhiya ismarkaana naftu mar horaba ka baxday.

Ciidamo booliis ah ayaa goobta soo gaaray kuwaasoo baaritaano ku haya meydka iyo xaruntiisa Ganacsi si loo hubiyo qaabka wax u dheceen.

Ehalka Cumar ayaa jawaab ka sugaya CID-da oo goobta soo gaartay iyagoona u baahan in loo cadeeyo qaabka wiilkoodu u dhintay.

Dadweyne badan ayaa hor tuuran bakhaarka wiilka dhintay xili gudaha ay ku jiraan ciidamada danbi baarista CID-da.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Previous articleNabadoon goor dhaw Muqdisho lagu dilay
Next articleMaxlamada ciidamada oo maanta xukuntay Nin ku eedeysnaa Alshabaan-ni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here