Boosaaso (dayniiile.com)-Wararka Saaka laga helaayo Magaalo Xeebeedka Boosaaso  Xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in kooxo hubeysani ay toogteen nin ganacsade ahaa.

Marxuumka la dilay Rabi ha u naxariistee ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim C/Raxmaan Cabdi oo ahaa Gudoomiyaha Ganacsatada Boosaaso ee asal ahaan ka soo jeeda dhulka maamulka Koonfur galbeed Somalia.

Advertisement

Ganacsade Ibraahim C/Raxmaan Cabdi waxaa la dilay saaka isagoo ka soo baxay Masaajidka markii salaada subax uu soo tukaday xili kooxihii dilka fuiyayna ay baxsadeen.

Ciidamada amaanka puntland gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa looga fadhiyaa inay arintaan ka jawaabaan islamarkana soo qabtaan gacan ku dhiiglaha si sharciga loo horkeeno.

Magaalo Xeebeedka Boosaaso waa meesha ugu badan ee dilalka qorsheysan ay ka dhacaan marka loo eego deeganada kale ee uu ka taliyo Maamulka Puntland, waxaana loo aaneeyaa madaama Alshabaab iyo Daacish fariisimo waa weyn ku leeyihiin Gobolka Bari gaar ahaan Buuraha Gal-gala.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

 

 

Previous articleTahriibayal Soomaaliyeed oo dhibaato xooggan ay ka soo gaartay xadka Russsia iyo Belarus
Next articleShirkad Itoobiyaan ah oo ka ganacsata Hilibka Dameeraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here