NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Dab xooggan oo khasaare hantiyeed sababay ayaa galabta wuxuu ka kacay Xaafada Soomaalida ee Islii-Nairobi Xarunta Dalka Kenya halkaasoo ah suuqa ugu weyn ee ay Soomaalidu ku ganacsato islamarkaana deegaanka u ah.
Dabkaan ayaa qabsaday dabaq ganacsi lagu heystay oo ku yaala dhismaha Yare Business Park, agagaarka Eastleigh Mall ee 12 Street, mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku hanti beelay sida aan xogta ku helnay.
Nuur Sheekh Maxamed oo ah ganacsadaha ku hanti-beelay ayaa sheegay inuu lahaa ganacsi dhar iyo alaabaha guryaha kuwaasoo ku bas-beelay dabka,wuxuu intaasi ku daray in hantida uu ku waayay dabka uu ku qiyaasay $180 kun.
Inta badan baraha bulshada shacabka ayaa sawirada iyo muuqaalada ku baahinaya iyadoo la arkayo dadka xoogiisa iyo sida gurmadka loogu fidiyay suuq-leyda iyadoo qeybta hoose ee dabaqa ugu hooseeya inta badan laga bad-baadiyay dabka marka la eego hantidii taalay markii laga soo daad-gureeyay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

Gaadiidka Dad-ka damiya ayaa soo gaaray dhismaha dabku qabsaday kaasoo ka qeyb-qaatay daminta dabka oo si xowli ah ku socday markii uu is qabsaday, dhanka kale boqolaal Soomaali iyo ajaanib ah ayaa isugu yimid goobta dabku ka kacay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
