Allaha u naxariistee Ganacsade Farah Ali Mohamoud oo mudo la baadi goobayay ayaa ugu danbeyn meydkiisa laga helay Dalka Canada.

Ciidamadama Booliiska oo shaqadaan u xilsaarnaa ayaa soo helay meydka islamarkaana wali gacanta ku haya xili  ninkaan sidoo kale ahaa truck driver.

Advertisement

Eehalada Ninkaan la dilay ayaa laga soo xigtay in markii ugu war danbeysay uu soo hadlay 22-kii bishaan december markaasna uu xaaskiisa u sheegay inuu rarkii dejiyay uuna sugayo rar kale balse wax yar kadib teelkiisa ayaa hawada ka baxay waxana soo xigtay warkaan sheegaya in la dilay.

Booliiska ayaa ku gaabsaday inay dib ka sheegi doonaan faahfaahinta cida dishay iyo waliba sababta dilkiisa.

Maaha markii ugu horeysay oo Soomaalida lagu dilo dalka Canada marar badan ayayna dhacday waliba sanadkaan 2023 oo soomaali badan meydadkooda siyaabo kala duwan looga helay magaalooyinka kala duwan ee Dalka Canada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleXasan Sheekh iyo Muuse Biixi oo shir ku leh Dalka Jabuuti
Next articleSaraakiil puntland ka tirsan oo xalay lagu dilay Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here