DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Booliska Dhuusamareeb Dhame Nuur Cilmi Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay saldhiga booliska Dhuusamareeb ayaa ka hadlay amniga guud ee caasimadda Galmudug.
Taliyaha wuxuu shacabka ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida,Taliyaha wuxuu soo hadal qaaday amaro cusub oo dhanka amaanka ay u qaadeen.
Taliyaha Booliska Dhuusamareeb Dhame Nuur Cilmi Maxamed wuxuu ku amray ganacsatyada reer Dhuusa-mareeb matkii ugu horeysay inay xirtaan Camera CCTYV taasoo uu sheegay inay dan u tahay hay’adaha amaanka iyo bulshadaba.
“Camera CCTV waxay leedahay waxtar badan sidaas daraadeed waxaan amreynaa ganacatada inay ku xirtaan gudaha iyo banaanka goobahooda ganacsi si aan ugu kaalmeysano amniga guud ee magaalada”ayuu yiri Taliye Nuur Cilmi Maxamed
Sidoo kale Taliyaha wuxuu amray in la soo qabto oo la xiro sharcigana la hor geeyo dhalinyarada dharka shacabka iyagoo wata hadana qoryaha la soo galaya Magaalada si aan iyaga loogu soo dhex gaban.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
: