Waxaa saacadihii la soo dhaafay dadka ka ganacsada qaadka ay aad uga cabanayen in koonto gaar ah loogu xiray keenista Jaadka/Qaadka, kuwaasi oo sarre u qaaday qiimaha markii hore uu taagna.

Ganacsatada iibisa Jaadka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa cabasho xoogan ka muujiyey 3-Nin oo ay sheegen inuu kooto ugu xiran yahay keenista jaadka,
kaasi oo uu horkacayo Nin ay sheegen inay walaalo yihiin madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxay sheegen in ragga uu horkacaya Farmaajo walaalkii iyo saraakiisha garoonka ay isku xiran yihiin, taasi oo meesha ka saareysa in ganacsato kale ay ayagu la soo dagaan Qaadka, islamarkaana ku qasbaysa inay ayaga un ka qaatan, sida ay sheegen.
Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here