Ganacsato uu ka mid yahay Maxamuud Cumar Cadaa oo Shabaab u dacwooday oo la xiray

0

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowladda federaalka Soomaaliya ay xabsiga dhigtay ganacsato badan oo Soomaaliyeed, kuwaas Muqdisho ku xiran maalmo.

Wararka ayaa sheegaya in Ganacsatadan  xiran ay u badanyihiin  kuwo caan, waxaana ka mid ah  Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo ah ganacsade si weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho, lana dhashay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan.

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah ehellada Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in sababta loo xiray ganacsatadan loogu sheegay inay la xariirto macaamil dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in guddiga gaadiidleyda gobolka Banaadir oo uu guddoomiye ku xigeen ka ahaa Xaaji Maxamuud iyo guddiga kale oo iskaashatooyinka gaadiidleyda gobolka Banaadir ay ku mideysanyihiin ay isqabteen kadibna ay Al-Shabaab isku dacweeyeen, taasi oo ay Carootay Dowlada Dhexe.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here