HomeWarkiiGancsade Somali ahaa oo lagu dilay Dalka Koofur-Afrika

Gancsade Somali ahaa oo lagu dilay Dalka Koofur-Afrika

PORT ELIZABETH (DAYNIILE.COM)-Wararka laga heleeyo Magaalada Port Elizabeth ee Dalka Koofur-Afrika ayaa sheegaya in magaaladaasi lagu dilay saacadihii ugu danbeeyay muwaadin Soomaaliyeed oo halkaasi ganacsi ku lahaa.

Muwaadinka Soomaaliyeed waxaa lagu magacaabi jirey Maxamed Carab waxaana la beegsaday isagoon tukaankiisa joogin waxaana la sheegay in arimo ganacsigiisa quseysa loo begsaday  Rabi ha u naxariistee.

Muwaadinkaan wuxuu ka mid ahaa Ganacsatada Soomaalida ee la yaqaan kuwaasoo ganacsiga ku heystay Magaalada Port Elizabeth.

Kooxaha weerarka ku soo qaaday waxay gaarsiiyeen dhaawac culus oo ugu danbeyna uu u geeriyooday Allaha u naxariistee,Booliiska ayaa sida lagu yaqaan yimaada marka falku dhaco kadib inta badana waxaaba la moodaa inay raali ka yihiin dilalka lagu hayo Soomaalida.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -