Ciidamada Cirka Jamhuuriyada Islaamiga Iiran ayaa xalay dagaalka u adeegsaday gantaal cusub kaasoo maalmihii ugu danbeeyay la hadal hayay kana qatar badan kuwii hore ay u adeegsan jireen.
Gantaalkaan oo halkiisa xabo uu isku badalo 80 bambooyin ah ayaa la soo sheegayaa inay adag tahay in Israa’iil iska difaacdo , xalay ayayna iran ku riday yuhuuda sida warbaahinta Caalamku soo tabiyeen muuqaalana ay ka sameeyeen.
Wariyayaasha taxliilaya arimaha dagaalka hada socda ayaa ku waramaya in Iran Xalay dagaalka uu ahaa mid cusub madaama marba marka ka danbeeya ay la soo baxayaan taatiko iyo hub cusub oo hor leh oo ka sii miisaan culus kuwii hore.
Su’aalaha gantaalkaan ka dhashay durba ayaa ah muxuu ka badali karaa dagaalka xili Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra’iisulwasaaraha Israa’iil maalin kasta warbaahinta u sheegaan in Iira sii tabar dhigeyso ayna kala wareegeen hawada ,sidoo kalana ay bar tilmaameedadaan meelaha ay ka soo ridaan gantaalada.
Dadka arimaha dagaalada ku xeel dheer waxay aaminsan yihiin in Iiran sidii Mareykan qiyaasayay ay ka xoog badan yihiin islamarkaana dagaalku qaadan doono mudo ka dheer inta Mareykanku filayay, ugu danbeyna ay qasbanaan doonto heshiis siyaasadeed in lagu joojiyo dagaalka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
Â
