LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah hogaanka dhaqanka SSC Khaatumo ayaa si weyn uga hor yimid siyaasada Hogaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo C/qaadir Aw Cali Firdhiye ee ah sida uu doonayo inuu ku qabto shirka dhameystirka maamulkasi.
Garaad Jaamac oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu horeyn beeniyay wararka sheegaya inuu ka soo horjeedo shirka dhameystirka maamulka Khaatumo balse wuxuu cadeeyay inuu diidan yahay habka siyaasadeed uu wax ku wado Hogaamiye Firdhiye.
Garaadka wuxuu xusay inuu waligiis diidanaa inay qaataan oo ku dhaqmaan siyaasad banaanka looga keenay hadana uu wali taagan yahay mowqikaasi.
“15 sano wixi aan diidanaa ee ahaa talo meel kale laga keenay ayaa deegaanka lagu dhaqayaa, tolkay kula dhici maayo oo ku dhaqi maayo” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.
Hogaamiye dhaqameed Garaad Jaamac wuxuu si cad u sheegay in walaalahood Warsangeli oo wax kasta ay ka dhaxeeyaan aysan kula dhaqmi karin oo ula tagi karin talo meel kale laga keenay.
“Walaalaheen warsangeli kulama dhaqmi karno mana aqbaali karo inaan ula tagno intaan rabnaan idinka qaadaneynaa inta kalana loo joojin maayo waana ka raali gelinayaa walaalaheen oo wax kasta ay naga dhexeeyaan”ayuu yiri Garaadku
Hadalada Garaadka inkastoo uusan soo magac qaadin Hogaamiyaha SSC Khaatumo hadan wuxuu ku eedeeyay inuusan kala tashan qaabka uu u rabo in shirka reer Khaatumo loo qabto si masiirka imadaan ooga hadlo.
Dhanka kale marka hadalada Garaadka la qiimeeyo wuxuu sidoo kale diidan yahay siyaasada Dowlada Faderaalka ee ku dhisan degdeg wax ku sameynta iyo loo joojin maa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
