Garashadii Gablantay !!

0

Muqdisho Wixii ka horeeyay 2017dii waxaa laga haystay aragti gaar ah, taasoo ku salaysan in ay tahay magaalo aan diyaar u ahayn dowladnimo, magaalo ay haystaan dad gaar ah, marka la qaadanayo aragtidas lama qiimayn fikradaha shacabka, mana ahayn wax ku dhisan daraasaad cilmiyaysan, waxay ahayd cabir guud oo laga qaatay Qab qablayaashii dagaalka ee awooda mooryaanta ku haystay shacabka, Laakiin dadka muqdisho ku nool waxay ahaayeen dad dowladnimadda jecel laakiin ay hayso hogaan xumo dhanka dhaqanka & siyaasadda ah,

is bad badalo badan kadib waxaa lasoo gaaray sannadkii 2017dii, Waxay ahayd xiligii doorashada madaxtinimo ee dalka, Musharaxiinta waxaa kamid ahaay Madaxwayne Farmaajo, Qaar ka mid ah wargaysyalda caalamka ayaa qoray in Madaxtinimada soomaaliya kaliya ay qaban karto beesha muqdisho u badan deegaan ahaan, waxayna si Qabyaaladaysan i riixeen beesha uu ka dhashay madaxwayne Farmaajo, Aragtidaas ay qoreen qaar kamid ah saxaafadda dunnida, waxaa la qabay dad kale oo badan, laakiin taasi waxaa beeniyay shacabka kunool Muqdisho oo garab wayn siiyay madaxwayne Farmaajo,

Dad gaar ah oo maanta xilal kahaya dowladda uu hogaamiyo madaxwayne farmaajo ayaa sheegta in ay iyaga sabab u ahaayeen in madaxwayne farmaajo loo doorto madaxwayne, dadkaas ayaa ahaay kuwa ka muuqaday buuqa iyo dibad baxyada lagu taageerayay madaxwaynaha inta uu ku jiray ololaha doorashada, sidaana ku helay xil & darajo gooniya, laakiin runta ayaa waxay tahay in shacabka muqdisho lagu jeclaysiin madaxwayne farmaajo dibadbaxyo lasoo abaabulay, balse shacabku ahaay shacab u ooman Cadaalad & Hogaan aamin ah oo ay la’aayeen muddo, shacab baahi u qabay hogaan ka fog Qabyaalad & Qof jeclausi,

Shacabku waxay la dhaceen tilaabooyin yar oo u muuqday kuwo ku dhisan wadaniyad & dal jacayl oo uu qaaday Madaxwayne farmaajo intii uu ahaay Ra’isul wasaaraha dalka, taas waxaa dhinac socday shacabka oo u arkayay madaxwaynihii xiligaas ee sheeq shariif & koox kale oo uu kamid ahaay shariif xassan sheeq aadan, in ay si xun ula dhaqmeen farmaajo, xilkana uga qaadeen si gardaro ah oo ka tarjumaysay danahooda shaqsiyadeed, sida maanta madaxwayne farmaajo & Saaxiibadii ku sameeyeen Ra’isul wasaare khayre oo kale,

ololaha doorasho ee shacabka muqdisho ugu hiiliyeen Madaxwayne Farmaajo 2017dii , kuma dhisbnayn abaabul dad gaar ah, balse waxa uu salka ku hayay inta aan soo sheegay,

Sanadkii 1991dii , Kacdoonkii dalka looga saaray Madaxwayne Maxamed Siyaad barre, ayaa waxaa laga waraystay Ninkii ku magacaawnaay aabihii kacdoonka xamar ee la oran jiray Xusseen Xaaji bood, AUN , sida ay ugu suurtagasgay in ay shacabka ku jeediyeen Madaxtooyada xukunkana looga tuuro siyaad barre, Waxa uu ku jawaabay , Dadka oo qalbiga ka nacay muddo kadibna ku qamammay ayaan hormuud u noqonay,

Xaqiiqda waa taas, laakiin waxaad malaysaa in madaxwayne Farmaajo aaminay in ay xukunka ku garab siiyeen Afar qof oo Sameecado kusoo xirtay baabuur oo dad u badan haween & Caruurna soo abaabulay & Dowlad shisheeye, Hadii shacabka muqdisho Cabsi galin ama banaanbaxyo loo adeegsado haween & Caruur wax looga badali karo, waxaan soo marnay Tarabuunka oo ay la ciir ciirayaan haween iyo caruur iyo hogaamiye Qoriga iyo qaylo wax ku raadinaya, balse ugu dambayn u god galay isagoon yoolna gaarin, waxaan soo marnay kuwo hubkoodii ka cararay habeen madoow,kadib markii ay shacabkii ku qamaameen oo kacdoon looga saaray caasimadda,

Muqdisho waxay ku caan tahay Kacdoonka bulsho ee lagu carib tiro cadaadiska.

26 Sano ayaan arkayay hogaamiye loo sacbinayo ama loo banaan baxayo, marna kama qayb galin banaanbaxyadaas laakiin banaanbixii lagusoo dhawaynay doorashadii madaxwayne farmaajo 2017dii ,waxay ahayd tii iigu horaysay ee aan ka qayb galo, Maantana waxaad moodaa in Madaxwaynaheena faham buuxda ka qaadan asbaabtii guushiisa & guuldarada raggii la tar tamayay, Taasoo ahayd ka fogaanshaha cadaadiska bulsho & Muujinta wadaniyad iyo hogaan lagu kalsoon yahay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here