HomeCiyaarahaGareth Bale oo kashifay sababta dhabta ah ee loo eryay Xabi Alonso

Gareth Bale oo kashifay sababta dhabta ah ee loo eryay Xabi Alonso

XIGASHO LAACIB.NET

Halyeeygii hore ee Real Madrid, Gareth Bale, ayaa ka falceliyay go’aankii shaqada looga eryay tababare Xabi Alonso, isagoo sheegay in kooxda reer Spain aysan u dulqaadan xitaa haddii wax yar oo hoos u dhac ah uu ku yimaado natiijooyinka.

Bale oo ka hadlayay sida uu u arko cayrinta Alonso ayaa yiri: “Xabi Alonso? Lama yaabani. Waxaan si buuxda u fahamsanahay sida Real Madrid ay u shaqayso, haddii natiijooyinku imaan waayaan, isbeddel muuqdana aad sameyn weyso, waa lagu dirayaa.”

Xabi Alonso ayaa shaqadiisa waayay ka dib markii Real Madrid 3-2 looga adkaaday final-kii tartanka Super Cup-ka Spain oo ay la ciyaareen kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.

Marka laga soo tago natiijadaas, waxaa la sheegay inuu khilaaf weyn kala dhexeeyay kala bar ciyaartoyda qolka labiska iyo madaxweynaha kooxda Florentino Perez, taas oo soo dedejisay bixitaankiisa.

Hadda waxaa Real Madrid si ku-meel-gaar ah u hoggaaminaya Alvaro Arbeloa, kaas oo guul weyn oo 6-1 ah ka gaaray kooxda Monaco kulankiisii ugu horreeyay ee Champions League isagoo ah tababaraha kooxda koowaad.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -