Gaza (dayniiile.com)-Gaadiid sida gargaar raashin iyo dawo ah ayaa maanta soo gaaray Marinka Gaza oo ay ka taliyaan Dagaalyahanada Xamaas ee reer Falastiin.

Gar-gaarkaan oo ah kii labaad ayaa daba socday mid shalay sidaan oo kale u gaaray Magaalada Gaza.

Advertisement

Marinka Rafax ee dhanka xadka Masar  ayay soo mareen raashinkaani waxayna si nabad ah ku gaareen Gaza.

Gaadiidkaan oo ah kuwa xamuulka ayaa gaaraya 25 waana xisaab aad uga yar baahida ka jirta Gaza oo ay ku nool yihiin dad dhowr Milyan ah.

Magaaladaan waxaa go’doomiyay Yuhuuda inkastoo hada wada hadal lagu ogolqaday in raashinkaasi la gaarsiiyo Gaza.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleCiidamada Dowlada oo Alshabaab kala wareegay deegaanka Eel-boon+Sawirro
Next articleHogaamiyaha SSC Qaatumo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Laas-caanood+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here