HomeWarkiiGaroomada Diyaaradaha Mareykanka oo 20 sano kadib laga joojiyay in kabaha laga...

Garoomada Diyaaradaha Mareykanka oo 20 sano kadib laga joojiyay in kabaha laga siibo dadka dhoofaya xiliga baarista

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Dowlada Mareykanka ayaa wax ka badashay qaababkii baaritaanada loogu sameyn jirey dadka ka dhoofaya garoomada diyaaradaha dalkaasi xiliga hubinta amniga.

Mareykanka wuxuu gabi ahaanba joojiyay in dadka dhoofaya kabaha laga siibo xiliga hubinta amniga taasoo mudo badan ay ku soo dhaqmayeen maamulayaasha garoomada diyaaradaha.

Xoghayaha Amniga Gudaha sida ay BBC-du ka soo xigatay  rakaabku wali waxay sii wadi doonaan inay suumanka furaan,jaakadaha furaan,iyo cabitaanada boorsooyinka ugu jira inkaroo iyaga laftigooda dib u eegis lagu sameynayo.

Sababta 20 sano loo soo rogay in dadka dhoofaya kabaha siibaan marka ay dhoofayaan waxay ku timid ka dib markii nin British ah uu bam ku qariyay mid ka mid ah kabihiisa xilli uu u duulayay Miami.

Si kastaba Xoghayaha Amniga Gudaha waxay sheegtay in sababta loo joojiyay kabaha siibka inay tahay Tignoolajiyadayada ammaanku inay si weyn isu bedeshay oo hada ay adeegsadaan  TSA.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -