KHARTUUM (DAYNIILE.COM)-Waxaa si rasmi ah dib loogu howlgeliyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Qartuum oo ah caasimada Dalka Sudan
Hay’ada duulista rayidka ee Suudaan ayaa xaqiijisay amniga garoonka waxayna siisay garoonka caalamiga ah ee Khartoum shahaadada bedqabka taasoo ka dhalaay in dib loo howlgeliyo garoonka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in garoonka uu si rasmi ah u shaqa galay islamarkaana uu soo gaaray duulimaadkii ugu horeeyay oo ka yimaada gudaha Dalka Sudan arbacadii shalay kadib mudo 3 sano ah oo dagaalo ka jiray dalkaasi uu u xirnaa garoonka.
Dagaalku ka qarxay Dalka Sudan bishii April Abriil sanadkii 2023-kii ayaa sababay inuu burbur xooggan soo gaaro garoonka waxaana qabsaday caasimada inta badan kooxda RSF oo Dowlada ku kacsana inkastoo dhawaan laga eryay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
