Garoonka diyaaradaha Ugaas KhaliIf ee Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa la soo sheegayaa inuu maalintii labaad u xiran yahay khilaaf u dhexeeyay masuuliyiinta Hirshabelle qaarkood.

Madaxweyne xigeenka Hirshabelle Yuusuf Daba-geed iyo Wasiirka Duulista hawada Hirshabelle ayuu u dhexeeyaa khilaafkaani sida ay sheegtay idaacada kulmiye ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Advertisement

labada masuul waxay isku khilaafeen habka loo maamulaayo dhaqaalaha ka soo xarooda garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif taasoo ugu danbeyn keentay in shaqadii garoonkaasi istaago.

Dhibaatada ugu badan waxaa ku qaba  dadka arimaha caafimaad loogu qaadi jirey Muqdisho kuwaasoo aan awoodin inay raacaan gawaarida isaga dhex gooshta Baladweyne iyo Xamar.

Si kastaba waxaa garoonka hada isticmaala diyaaradaha UN-ka iyo kuwa Ciidamada Atmis ee Soomaaliya ka howlgala kuwaasoo aaney wax saameyn ah ku yeelan xanibaada saaran garoonka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iiisulwasaaraha oo ka qeybgalay Xaflada Daah-furka Aqoonsiga Muwaadinka {National ID} oo xiligaan ka socota Muqdisho +Sawirro oo xiligaan ka socota Muqdisho iyo Ra’iiisulwasaare Xamze oo go
Next articleRa’iisul Wasaare Xamse oo daah furay Qadashada kaarka Aqoonsiga Dadwaynaha +Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here