HomeWarkiiGaroonka Diyaaradaha Dubai oo hakiyay dhamaan duulimaadyada

Garoonka Diyaaradaha Dubai oo hakiyay dhamaan duulimaadyada

May be an image of ‎aircraft and ‎text that says "‎syaloındi Report CA Mav 夏 Emirales .................. .................. اللمارات ........ … n 一… Emirates www.nyakundireport.com‎"‎‎DUBAI (DAYNIILE.COM)-Maamulka garoonka caalamiga ah ee Dubai ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay hakiyeen ama joojiyeen dhamaan shaqooyinka garoonkaasi ka socday ee duulimaadyada ahaa sababo lagu sheegay dagaalka ka socda Bariga dhexe ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiran.

Warka ka soo baxay Maamulka Garoonka diyaaradaha Dubai waxaa lagu xusay in talaabadaani ay u qaadeen badbaadada rakaabka, shaqaalaha garoonka, iyo shaqaalaha diyaaradda intaba.

Sidoo kale Shirkada diyaaradaha Emirates Airline ayaa barteeda X waxay ku qortay inay joojisay duulimaadyadii diyaaradaasi ku tagi jirtay Dubai islamarkaana rakaabka uga soo qaadi jirtay ilaa iyo amar danbe.

“badbaadada rakaabkeena iyo shaqaalaheenna waa mudnaanta ugu sarreysa ,wixii is badal kale ee yimaada dib baan idinka kala socodsiineynaa ” ayaa lagu yiri qoraalka Shirkada diyaaradaha Emirates Airline

Qoraalka shirkada waxaa sidoo kale ku jirey ereyo digniin oo kale ah oo qornaa sidan:-Fadlan ha tagin garoonka diyaaradaha.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -