HomeWarkiiGaroonka Diyaaradaha Nairobi oo isku badalay meel lagu ugaarsado Soomaalida

Garoonka Diyaaradaha Nairobi oo isku badalay meel lagu ugaarsado Soomaalida

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Garoonka Diyaaradaha Magaalada Nairobi ee Joma Kanyata ayaa isu badalay meel mar kasta lagu beegsado muwaadiniinta Soomaaliyeed qaab kasta ha ku tageen xitaa hadii ay dalal kale u sii socdaan oo ay taransit ku yihiin garoonkaasi.

Hore garoonkaasi waxaa baad looga qaadan jirey muwaadiniinta Soomaaliyeed marka ay Aomaliya u socda gaar ahaan kuwa Kenya ka soo baxaya hada waxaa ku soo korortay in Smalida la beegsanayo xitaa ay dalal kale u sii socdaan kaliya iyagoo ka galaya  qofku inuu Soomaali yahay.

Wararka ugu danbeeya ee laga helaayo Garoonka Joma Kenyata ayaa sheegaya in shalay iyo maanta 22 Soomaali ah ku xayiran yihiin garoonkaasi waliba si qasab iyo bah-dilaad ah looga urursaday baasabooradii ay ku safrayeen.

22-kaan Soomaalida ah waxaa la soo sheegayaa inay wataan travel document ee dalka South Africa  madaama ay halkaasi ka yimaadeen.

Wararka ayaa tilmaamaya in haba yaraatee xitaa wax mar marsiyo ah aysan meesha keensan Kenyanka kaliya waa inay ka galayaan in dadkaani Soomali yihiin, mana jirto Dowlad la xisaabtameysa tiiyoo ay Kenyan badan ka shaqeystaan Muqdisho islamarkaana socodkooda uu yahajoogto ah, Dowlada waxaa looga baahan yahay in xanuunka xayiraada iyo ugarsiga Somalida lagu hayo la dareensiiyo Kenyaanka ka shaqeysta Somalia.

Inta ugu badan dadka siyaasada odorasa waxa arimahaan ku sababeyaan in Somalidu iyaga dhibaatada isku hayaan sababtuna ay tahay laaluushkaan joogtada oo ay iyagu la ordayaan xitaa iyadoon Kenyaanku warsan taasoo ugu danbeyn la qabsadeen Kenyanku lacagtaan sanka la gelinaayo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -