Guddi uu Hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose  ayaa ku dhawaaqay in dib loo furey Garoonka Diyaaradaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay socdaan dadaalo kala duwan oo lagu dejinaayo xaalada Guud ee Magaalada oo dhawaan Shaqaaqo ay ka dhacday.

Dib u fuista Garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ayaa waxaa qeyb ka ahaa Saraakiil katirsan Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana Maanta laga bilaabo Shaqeeynaya Garoonka oo Shaqaaqadii dhacday ku xirmay.

Advertisement

Qaar kamid ah Xubnaha Guddiga loo xilsaaray shaqaaqadii ka dhacday magaalaada Baraawe ayaa faah faahin guud ka bixiyay dib u furitaanka Garoonka diyaaradaha Baraawe iyo xalinta Shaqaaqadii ka dhacday halkaas.

Magalada Baraawe oo ah xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada xoogga dalka ee Maillateriga iyo kuwa daraawiishta, dagaalkaas oo isku bedelay hab beeleed, wallow hadda ay socoto waan waan lagu xalinaayo.

Previous articleIGAD oo Walaac ka Muujisay Xaalada Malaayiin qof oo ku nool Geeska Afrika
Next articleFaahfaahin dheeri ah Xiisad ka Taagan Magaalada Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here