Advertisement

Advertisement

AC Milan ayaa xalay barbaro 0-0 ah la gashay Empoli sidaas darteedna waxay ku guuldareysatay inay sii wadato guushii 4-0 ahayd ee ay Napoli ka gaartay. Rossoneri ayaan sidoo kale wax caawin ah ka helin garsooraha, maadaama uu rigoore khasaariyay.

Daqiiqadii 54-aad ee ciyaarta ayaa Theo Hernandez lagu soo tuuray xerada ganaaxa dhexdeeda (maadaama ay xariiqda ku jirtay) laakiin garsooraha ciyaarta ee Mercenaro ayaa kubad koorno ah u dhigay Milan. Waxa uu aaminsanaa in daafaca uu taabtay kubada, VAR ayaana xaqiijisay go’aankiisa.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegtay Gazzetta Dello Sport (oo loo sii marayo SempreMilan), daafaca ma uusan taaban kubada sida uu u maleeyay garsooraha. Hernandez ayaa marka hore si cad u helay kubbada wuxuuna VAR sameeyay qalad isaga oo aan soo dhex galin

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here