Sida uu shaaciyay uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Soomaaliya Waxaa maanta tijaabada orodka (Fitness Test) maray garsoorayaasha da’da yar ee bilaabay koorsada (FIFA MA Youth Referee Course) oo maanta laga daahfuray xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.28 garsoore oo isugu jira (Rag & Dumar) ayaa la marsiiyay tijaabada iyadoo ay joogaan macalimiinta ka socotay FIFA & kuwa Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, waxaana guuleystay 18 garsoore oo labada dhinac isugu jira.
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya wuxuu muddooyinkii dambe juhdi badan ku bixiyay in la helo garsoorayaal da’yar oo gaara heerka sare ee garsoorka, sidoo kalana xoogga la saaro in haweenka ay qeyb lixaad leh ka qaataan.
Garsoorayaasha ku baasay imtixaanka laba ka mid ah waxey noqdeen Dumar, halka raggana ay noqdeen 16, waana bilowga dadaallo la doonayo in lagu hormariyo garsoorka Soomaaliyeed.
Macalimiinta ayaa bogaadiyay, sidoo kalana nasiib wacan u rajeeyay dhamaan garsoorayaasha ka qeybgalay tijaabada orodka.





