MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Garsoore heer caalami Cartan C/qaadir ayaa saaka dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho waxaana si weyn u soo dhaweeyay Dowlada,Xiriirka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Somalia,Madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta ,gudoomiyaha Garsoorayaasha iyo shacab aad u badan kuwaasoo garoonka diyaaradaha soo buux dhaafiyay.
Soo dhaweynta kadib Garsoore Cumar Cartan waxaa loo galbiyay qeybta VIP-da.
Dhanka kale shacabka reer Muqdisho ayaa isku balansaday inay dhiiri gelin u sameeyaan Garsooraha oo si xaqdaro ah Mareykanku ugu diiday inuu qeyb ka noqso garsoorayaasha dhexdhexaadinaya tartanka koobka Adduunka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILECOM






