HomeCiyaarahaGarsoore Cumar Cartan oo sidii ugu fiicneyd u dhex-dhexaadiyay Fiinaalkii Tartanka CECAFA...

Garsoore Cumar Cartan oo sidii ugu fiicneyd u dhex-dhexaadiyay Fiinaalkii Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

May be an image of football, soccer and text that says 'FIF REFER REEE 2026 826'Magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026, iyadoo Soomaaliya ay si muuqata uga dhex muuqatay tartanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaanka iyo garsoorka.

Kulankii kama dambaysta ahaa oo dhex maray kooxaha Rayon Sports iyo Gor Mahia, waxaa dhex-dhexaadiyey garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalamiga ah Cumar Cabduqaadir Cartan, kaas oo si hufan u maamulay ciyaarta, iyadoo ugu dambeyn 2-1 ay guushu ku raacday kooxda reer Rwanda ee Rayon Sports.

Soomaaliya ayaa sidoo kale door muhiim ah ku lahayd dhacdooyinka tartanka, iyadoo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) uu ka qeyb galay munaasabadaha iyo howlaha la xiriiray tartanka.

Ka qeybgalka masuuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo garsoorayaasha Soomaaliyeed ayaa muujinaya kororka doorka Soomaaliya ee kubadda cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika. CECAFA-na waxay tahay madal muhiim u ah horumarinta kubadda cagta iyo xirfadlayaasha dalalka xubnaha ka ah.

May be an image of football, soccer and text that says 'E ECUP CECAFA CECAFAKAGAMECUP KAGAME CUP RWANDA2026 CARWANDA2026 2026 CECAF CECAFAKAGAMECUP RWANDA KAGAME CUP CHAMN 2025 MPOK 2026 MPIO AB 826 RIAG 2A Vo NS ธลิมอ 29 CHA き CHAN CHANPIONS 2025 Γ SPORTS & CECAFA CECAFAKAGAMECUP2026 KAGAME CUP 2026 PET WINNERS MEN TH THOUSAND USD30,000 30,000 STATESDOLLAR GNLY 1時07- 050..30 CHANPEOIS'May be an image of football, soccer and text that says 'NIMANA 5 4D SKM B'May be an image of one or more people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -