XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeyga Manchester United iyo falanqeeyaha Sky Sports, Gary Neville, ayaa sheegay in Man United ay tahay inay hadda raadiyaan tababare kale, inkastoo Michael Carrick uu guuleystay 5 ka mid ah 6 kulan oo uu hoggaamiyay.
Neville oo ka hadlayay Sky Sports ayaa yiri:
“Manchester United waa inay hadda raadiyaan tababare kale, sababtoo ah ma hubo sida natiijooyinka mustaqbalka u socon doonaan.”
Wuxuu intaas ku daray in xulashooyinka tababarayaasha ay sii yaraanayaan, gaar ahaan kadib markii Thomas Tuchel dib ula saxiixday xulka England:
“Arrimo yaryar sida Thomas Tuchel oo dib ula saxiixday England waxay yareynayaan xulashooyinka Man United, inkastoo aysan dhaawaceyn fursadda Michael.”
Neville wuxuu sidoo kale qiray in haddii Carrick uu kooxda geeyo Champions League, cadaadis weyn jiri doono:
“Haddii uu United uu u soo saaro Champions League, buuq weyn ayaa jiri doona oo lagu doonayo in isaga la magacaabo.”
Si kastaba, Neville wuxuu caddeeyay inuusan ka soo horjeedin Carrick, balse uu doorbidayo khatar-yareyn:
Ugu dambeyn, Neville wuxuu xusuusiyay taageerayaasha in Man United ay hore u soo aragtay tababarayaal da’yar oo khibrad yar:
“Waxay hore u doorteen laba tababare oo da’yar oo aan khibrad badan lahayn. Ole Gunnar Solskjaer horay ayuu u yimid sidii ciyaaryahan hore, ugu dambeynna arrintaasi ma shaqeyn. Sidaas darteed, khatarta in la yareeyo waa go’aanka saxda ah.”
Hadalkan Neville ayaa sii huriyay doodda ku saabsan mustaqbalka kursiga tababaranimo ee Manchester United.
XIGASHO LAACIB.NET
