HomeCiyaarahaGary Neville oo Arsenal u sheegay cidda ay tahay iney iska difaacaan...

Gary Neville oo Arsenal u sheegay cidda ay tahay iney iska difaacaan haddii ay doonayaan iney garaacaan City.

XIGASHO LAACIB.NET

Neville ayaa xusay in Arsenal ay feejignaan gaar ah u baahan tahay marka ay la kulmeyso ciyaartoyda sida Erling Haaland, Phil Foden, Bernardo Silva iyo Jeremy Doku.

Isagoo ka hadlayay barnaamijkiisa Sky Sports Podcast, Neville wuxuu yiri:

“Haddii aan ka eego dhanka Arsenal, waa ciyaar ay tahay in la badiyo.”

“Arsenal hadda waa koox ka dhisan dhanka ciyaarta guud ahaan marka la barbardhigo Manchester City. Laakiin ciyaarta waxay u keeni doontaa dhibaatooyin gaar ah.”

“Shaki kuma jiro in Manchester City ay Arsenal ku keeni doonto dhibaato, sababtoo ah waxay haystaan ciyaartoy aad u tayo badan.”

“Arsenal waa in ay si fiican u maareeyaan Haaland, sidoo kale Phil Foden, Bernardo Silva, iyo Jeremy Doku — kuwaas oo dhammaantood leh awood shakhsiyeed oo ay ciyaarta ku beddeli karaan daqiiqad kasta.”

Labada kooxood ayaa la filayaa in ay ciyaar adag soo bandhigaan, iyadoo la isku arki doono garoonka Emirates Axadda, iyadoo Arsenal haatan la rumeysan yahay inay tahay kooxda ugu fursadda fiican horyaalka.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -