XIGASHO LAACIB.NET
Difaacii hore ee kooxda Manchester United, Gary Neville, ayaa aaminsan in Manchester City ay weli haysato fursad ka wanaagsan tan Arsenal ee ku guuleysiga horyaalka Premier League, isagoo sabab uga dhigay tayada weerarka ee kooxda Pep Guardiola.
“Kubadaha istaagga (set pieces) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah ciyaarta Arsenal, waana sidii ay guusha ku gaareen kulankii Newcastle. Arsenal waxay taqaan sida looga badbaado goolal, laakiin City ayaa kaga horreysa dhanka weerarka iyo qaabka ay goolasha u dhaliyaan,” ayuu yiri Neville.
Neville ayaa intaas ku daray in Arsenal looga baahan yahay inay guuleysato kulan kasta oo u dhiman haddii ay rabaan horyaalka: “Difaacoodu waa mid cajiib ah, laakiin waxaad sidoo kale u baahan tahay goolal badan.”
Kadib 34 kulan oo ay ciyaartay, Arsenal ayaa hoggaaminaysa horyaalka iyadoo 3 dhibcood ka sarreysa Manchester City, inkastoo City ay heysato hal kulan oo baaqi ah.
XIGASHO LAACIB.NET
