=XIGASHO LAACIB.NET=
Gary Neville ayaa qirtay inuu si khaldan u qiimeeyay saameynta degdegga ah ee Hugo Ekitike ku yeeshay Liverpool. Weeraryahanka 23-jirka ah ee Faransiiska, oo kaga soo biiray Eintracht Frankfurt lacag gaari karta $106 milyan (£79 milyan), ayaa durba dhaliyay 15 gool tartamada oo dhan.
Neville ayaa yiri: “Waxaan iri wuu guuleysan doonaa, balse ma ahan isla markiiba; waan qaldamay. Isla markiiba ayuu saameyn yeeshay.”
Guddiga falanqeeyeyaasha ayaa isku raacay in Ekitike uu si xooggan ku billowday noloshiisa Liverpool. Si kastaba, Florian Wirtz ayaa lagu daray qeybta ‘malaha’, iyadoo Jamie Carragher iyo Roy Keane ay sheegeen inay suurtagal tahay inuu hal xilli ciyaareed qaato si uu ula qabsado.
XIGASHO LAACIB.NET
