Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta kormeer shaqo ugu tagay Kumaandooska Ilaalo Qaran oo howlgallo sifayn ah maalmahaan ka waday deegaanada Ciid Ciidka iyo Cali Fool Dheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe.
Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyay sida ay waajibkoodi ciidanimo uga guteen khawaarijtii ku dhuumaalysanaysay Ciid Ciidka ,isagoona xusay ineey tahay wax ay ku mudanyihiin bogaadin iyo amaan gooni ah.
Sidookale taliyaha ayaa ciidanka iyo saraakiishaba kula dar daarmay ineey sii laba jibaaran dadaaladooda ku aaddan baacsiga iyo sifaynta khawaarijta ee goobaha duurka ah ee ay isku dayaan ineey isku soo aruursadaan kana soo maleegaan weeraro fulaynimo ah .
Taliska ciidanka dhulka oo uu horkacayo Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa wada dadaalo dheeraad ah oo lagu guubaabinaayo geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira khawaarijta ,isagoo taliyuhu ku sugan yahay furumaha horre ee dagaalka.
XIGASHO WARBAAHINTA DOWADA
No photo description available.No photo description available.May be an image of 7 people
Previous articleShir ay leeyihiin Mucaaradka Saciid Dani oo Maanta ka furmaya Garoowe
Next articleMaamulka Gobolka Banaadir oo beeniyay inay Canshuur weydiiyeen Dugsiyada Quraanka iyo Masaajida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here