XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Gavi, ayaa si cad u sheegay in Real Madrid ay si dhab ah u walwalsan yihiin kadib markii Barça ay garaacday afar kulan oo El Clasico ah oo is xigta xilli ciyaareedkii hore.
“Dabcan, way walwalsan yihiin,” ayuu Gavi ku yiri wareysi uu bixiyay.
“4-tii kulanba aan wada ciyaarnay annaga ayaa badinay, weligeed horay umay dhicin. Waa wax la fahmi karo in ay hadda dareemayaan culeys.
“Ugu dambeyntiina, annaga ayaa si cajiib ah u ciyaarnay, iyagana waxba ma aysan hanan.”
Gavi ayaa intaas ku daray in xilli ciyaareedkan Real ay sameeyeen saxiixyo xoog leh, balse waxa uu ku adkaystay in Barcelona ay diirada saarto waxqabadkooda gaarka ah.
“Runtu waxay tahay in ay ciyaartoy fiican ay keeneen, laakiin aan sugno waxa ay la imaan doonaan.
Koox wanaagsan bay u muuqdaan, laakiin annaga waa in aan difaacanno guulihii aan ka gaarnay, taas ayaan ku qanci karnaa.”
