Geerida Culimadu waa Musiibo!

Muxammed Cali Al-Saabuuni (Jeenaweri 1930 —Maaris 2021)

Sheekh Muxammed Cali Al-Saabuuni ayaa maanta oo jumca ah dunida macasalaameeyey. Eebbe SWT ayaa u doorey in uu ifka sagootiyo. Marti la jecelahay oo nabadgala Eebbe ha ka dhigo.

Sheekh Muxammed wuxu ahaa haldoorka culimada casrigan nool. Wuxu ka mid ahaa culimada dhifka ah ee aqoon xeeldheer u lahaa fanniga Tafsiirka. Waana qoraaga Kitaabka lagu intifaacaye; صفوة التفاسير. Sanadkii 2017 ayaa loo doortay shakhsi Islaamka si weyn u gu adeegay oo dadaal badan ku bixiyey. Wuxu ku guuleystay abaalmarinta dawliga ah Dubai oo la guddoonsiiyo shakhsiyaadka u adeega Qur’aanka Eebbe.

Sheekhu –Eebbe ha magansado– waxa uu allifey kutub aad tirobadan oo uu ka qoray fanniyo dhowr ah oo ka la jaad ah. Afaf dhowr ah ayaa loo afceliyey kutubtiisa sida; Ingiriisida, Faransiiska iyo Turkiga.

Kutubtiisa waxa u gu muhiimsan kuwan:

1- المواريث في الشريعة الإسلامية.

2- من كنوز السنة، دراسة أدبية ولغوية من الحديث.

3- النبوة والأنبياء، دراسة تفصيلية لحياة الرسل المذكورين في القرآن.

4- روائع البيان في تفسير آيات الأحكام من القرآن (جزآن).

5- صفوة التفاسير.

6- قبس من نور القرآن الكريم.

7- التفسير الواضح الميسر.

8- كشف الافتراءات في رسالة التنبيهات حول صفوة التفاسير.

9- التبصير بما في رسائل بكر أبو زيد من التزوير.

10- مختصر تفسير ابن كثير، اختصار وتحقيق (ثلاثة أجزاء).

11- شبهات وأباطيل حول تعدد زوجات الرسول صلى الله عليه وسلم.

12- رسالة الصلاة.

إنا لله وإنا إليه راجعون 😥

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here