Sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta DAYNIILE.COM saraakiisha booliska Gobolka Mudug Wariye Jamaal Faarax Aadan waxaa lagu dilay dhacdo gaadmo ah,waxaana toogtay labo nin oo dhalinyaro ah xilli Marxuumku joogay goob meherad ah oo uu ku lahaa agagaarka Xero Siinaay ee magaalada GAALKACYO.

“Marxuumka waxaa u yimid isaga iyo nin kale xilli ay horfadhiyeen goob meherad ganacsi ah oo marxuumku lahaa waxaa u yimid labo nin,kadibna waxay ka codsadeen Alaab in laga gado kadibna markii uu kor u kacay,una dhaqaaqay dhinaca meheradda si uu wax uga soo iibiyo labada nin,waxaa mar qudha rasaasta bistooladaha laga rido ku boobay labadaas qof oo ahaa kuwo isaga dhigay dad raba meherada marxuumka inay wax ka iibsadaan”Waxaa sidaas u sheegay DAYNIILE.COM Taliyaha qeybta booliska Gobolka Mudug ee Puntland Korneyl Muumin Cabdi Shire oo saaxiib dhaw ahaayeen marxuum Jamaal.

Sidoo kale dhacdadaas waxaa dhaawac kasoo gaarey Nin magaciisa la yiraahdo Dhagdheer Tarabi oo marxuumka la joogay meheradiisa oo ah goob ganacsi oo sandaqad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here