Wasiirka Amniga Maamulka Jubaland Jen.Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa daboolka ka qaaday inay doonayaan sidii ay isugu furi lahaayeen deegaanada Jubaland ee hada kala xiran.
“Safarkan midka xiga waxaan dooneynaa inaan isku furno Kismaayo ilaa Bu’aale sidii aan dhawaan isugu furnay Afmadow iyo Kismaayo” ayuu yiri Wasiirka Amniga Maamulka Jubaland
