Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubbaland & Hir-Shabeelle ka dalbaday soo gudbinta kuraasta Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ugu horreeya.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal Axmed Safiina ayaa sheegay in Gobollada Waqooyi ay billaabeen Doorashada Golaha Shacabka Halka Galmudug iyo Koofur Galbeed ay soo gudbiyeen kuraasta la dooranayo.

Safiina ayaa Puntland, Jubbaland & Hir-Shabeelle dhankooda ka rajeeyay in ay dadejiyaan Shaacinta Kuraasta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya si doorashadooda loo billaabo maalmaha soo socda.

“Waxa aan halkaan fariin uga direynaa Saddexda Maamul Goboleed ee Haray (Puntland, Jubbaland & Hir-Shabeelle) in ay kusoo dhaqsadaan liisaska kuraasta ugu horreeya ee Golaha Shacabka, Doorashadu kama daba-mareyso 24-ka December 2021 haddii alle uu idmo” ayuu yiri Axmed Safiina.

Xubnaha Xildhibaannada Golaha Shacabka oo tiro ahaan ka kooban 275 mudane keliya waxaa ka dooran labo Xildhibaan oo 1-dii November 2021 Doorashadoodu ka dhacday Muqdisho, halka la filayo 9-Xildhibaan oo ka imaanaya Gobollada Waqooyi, 5 lagu dooranayo Galmudug & 11 kale oo Koofur Galbeed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here