XIGASHO LAACIB.NET

Manchester City ayaa gebi ahaanba istaajisay qorshihii ay kusoo qaadan laheyd Rodrygo si uu ugu biiro kooxda xagaagan, kadib markii ay si cad u go’aansadeen inaysan iibin garabka reer Brazil Savinho.
Sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano, City ayaa Arbacadii u sheegtay Tottenham inaysan wax isbeddel ah ku sameyn doonin mowqifkooda ku aaddan Savinho, xitaa haddii loo soo bandhigo qiimo gaaraya €70m.
Go’aankan ayaa ka dhigan inaysan jirin fursad uu Rodrygo ugu dhaqaaqayo Etihad Stadium xilli ciyaareedkan, maadaama loo arki lahaa beddelka Savinho haddii uu baxo.
Xiddiga reer Brazil ee Real Madrid ayaa si weyn loola xiriiriyay horyaalka Premier League, iyadoo kooxaha Man City, Arsenal, Tottenham iyo Chelsea ay dhammaantood xiiso u muujiyeen saxiixiisa.
XIGASHO LAACIB.NET
