
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa shir guddoomay shirka khamiis laha ah ee Taliyeyaasha Hoggamada iyo Faniyada Madaxabanaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Shirka ayaa looga hadlay dhowr qodob oo kala ah; –
1- Kor u qaadista wacyiga Saraakiisha ee qoorshayaasha Dowlada ee dhanka Qaadista Cunaqbateynta Hubka JFS, u diyaargarowga Bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika ee African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) iyo Qeybinta tirada labada heer ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee heshiiskii Qaab-dhismeedkii Amniga Qaran.
2- Boggaamin iyo Mahadceli howlgaladii ay Ciidamada Amaanka ee asbuucii tagay ee todobaadka Xuriyada iyo Maalmihii Ciidul Adxaa, taas oo keentay in aan falal amni daro ka dhicin Caasimada iyo nawaaxigeeda marka laga reebo Al-Shabaab 24kii dhowr baalooyo ee Gantaal macmal ah oo aan waxyeelo geysan ku soo tuurtay gegida Caalamiga ah ee diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Howlgalada sugida amniga ayaa saamaxay in ay si nabad ah ku soo dhamaadaan damaashaadka munaasibadihii isku sidkanaa ee todobaadka xuriyada iyo maalmihii Ciida iyo in 62,000 oo qofood uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Dr Xasan Shiikh Maxamuud uu qudbad taariikhi ah ka u jeediyo Ummadda.
3- Mustawaha ay marayaan diyaarita keydadka hubka ee Guud ahaan labada heer ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, taas oo la jaanqaadeysa siyaasada Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
4- Doorka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kaga aadan qoorshaha Xasilinta Goobaha lAl-Shabaab laga xoreeyay iyo kuwa u qoorsheysan in dhawaan laga xoreeye.
5- Adkeynta iyo Xaqiijinta Amniga Caasimada iyo meesha ay marayaan dhaqdhaqaaqyadii u danbeeyay ee baarista iyo warbixinada la xariira Gantaaladii macmalka ahaa ee Al-Shabaab ku soo tuurtay 24kii June iyo 04 July 2023 Magaalada Caasimada ah si ay u dhibaateeyaan dadweynaha Soomaaliyeed, taas dhimaato ka soo gaartay qoys Somaaliyeed oo danyar ahaa. Gantaalkaan macmalka ah, ayaa quburada Ciidanka Boliiska looga dhageystay sida ay ku dhacday inuu gacmaha Al-Shabaab galo iyo sida uu ku soo gaaray maadama uusan wadan qorigii laha ridi lahaa ayeey si macmal ah u farsameeyeen, taas ayaa keentay in loogu yeero macmal.
6- Howlgallo amaan oo ay labada Heer ee Ciidanka Bolisku ka wadaan dalka oo dhan gaar ahaan Magaalada Caasimada ah iyo nawaaxigeeda, howlgaladaas ayaa ka la ah; – Howlgalka la dagaalanka Burcada Hubeysan, Howlgalka ladagaalanka Maandooriyaha, Howlgalka la dagaalanka Musuqa iyo Howlgalka la dagaalanka Al-Shabaab.
Iyada oo howlgalka Ciiltire iyo hirgalinta Xeerka Xkameynta Hubka Caasmida ay qeyb ka yihiin Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Ciidanka Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka iyo Ciidanka Polizia Militaare ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.