NEWS YORK (DAYNIILE.COM)- Waxaa galabta lagu wadaa in Golaha amaanka Qaramada Midoobe uu fadhi ka yeesho duulaanka qaawan ee Yuhuudu ku soo qaaday madax banaanida iyo wada-jirka Soomaaliya kadib dalab ka yimid Dowlada Soomaaliya.
Kulankaan oo ah mid xasaasi ah xili Somalia ka tahay Golaha amaanka QM xubin aan joogta ahayn islamarkaana codka ku leh ayaa lagu wadaa inay guul weyn ka gaarto kulankaan gaar ahaana caalamka oo dhan uu meel uga soo wada jeesto duulaanka Yuhuuda walow Mareykanka lagu wado sidii lagu yaqaanay inuu Yuhuuda duudka saarto inkastoo taasna aysan hor istaagi karin aqbalabiyada QM iyo difaacida Dowlada Somalia.
Kulankaan waxaa lagu lafa guri doonaa saameynta siyaasadeed ee ka dhalatay talaabada israa’iil taasoo xad-gudubna ku ah qawaaniinta caalamiga ah ee ay ku dhisan tahay Qaramada Midoobe sida Dowlada Somalia sheegtay.
Dowlada Somalia ayaa labadii maalin u danbeysay waxay ku guuleysatay inay taageero caalami ah ka heshay caalamka intiisa badan taasoo u sahleysa inay ka guuleystayo duulaanka Yuhuuda.
Si kastaba 15-ka Dal ee xubnaha ka ah Golaha amaanka Qaramada islamarkaana shirkaan ka qeybgalaya ayaa badankood hore u cambaareeyay talaabada qaldan ee Israa’iil qaaday waxaana ka mid ah Pakistan iyo Algeria kuwaasoo si toos ah ula taageeray midnimada Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
