War qoraala oo maanta ka soo baxay Golaha Aqalka sare ee Dowlada Soomaaliya ayaa lagu muujiyay sida ay uga xunyihiin murunkii iyo gacan ka hadalkii maanta ka dhacay xarunta Villa hargeysa.
hadaba warsaxaafadeedka ayaa sida u qornaa:-
𝐖𝐀𝐑-𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃
Golaha Aqalka Sare, wuxuu ka xun yahay is hortaaggii ka dhacay Villa Hargeysa maanta oo ay tariikhdu tahay 𝟐/𝟏𝟐/ πŸπŸŽπŸπŸ‘, kaas oo sababay in uu qabsoomi waayo kulanka wadajirka ahaa oo loogu ballansanaa in looga hadlo Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka iyo Xisaab xirka Sanad Maaliyadeedka ku dhmaaday 31-ka Decenber 2022-ka.
Golaha Aqalka Sare oo ka duulaya πͺπ¨ππ¨π›π€πš πŸ“πŸ”-𝐚𝐚𝐝 xarafka (𝐚) oo qeexaya in ay Labada Aqal u gutaan si wadajir hawlaha ay waddagaan, wuxuu howlo shaqo u tegay Xarunta Golaha Shacabka Villa Hargeysa, balse, nasiib darro waxaa halkaas ka dhacay dhacdo aan ku habboonayn maqaamka iyo milgaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Haddaba, Aqalka Sare wuxuu caddaynayaa in uusan dhacdadaan qayb ka ahayn, wuxuuna rajaynayaa in xal degdeg ah laga gaaro wixii dhacay.
πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
May be an illustration of text
Previous articleKulan ay lahaayeen Galata Saciid Dai iyo Qaar ka mida Xisbiyada oo la isku habeensadayΒ 
Next articleXasan Cali Kheyre oo Dowlada ugu baaqay ilaalinta guusha la gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here