HomeWarkiiGolaha Baarlamaanka oo maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka hanaanka Lacag bixinta Qaranka+SAWIRRO

Golaha Baarlamaanka oo maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka hanaanka Lacag bixinta Qaranka+SAWIRRO

Muqdisho-Soomaaliya 08, Nofeembar, 2025: Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 156 Xildhibaan, ayaa ajendihiisu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale iyo sidoo kale qeybinta warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga Ladagaalanka Burcad-badeedka iyo ka hortaga Afduubka ee Sharci LR.36 ee 30-ka Abriil, 1975.

Ugu horreyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ogolaatay 154 Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo natiijadda codeynta ku dhowaaqay..

Sidoo kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha u akhriyey Wasiiru Dowlaha wasaaradaasi Mudane Maxamed Cusmaan Naastaro.

Maadaama hindise sharciyeedka uu marayey Akhrinta koowaad kama furneyn wax dood ah sida uu qabo xeerhoosaadka Golaha, sidaasi daraadeed Xildhibaano Golaha ka tirsan ayaa dhowr su’aalood oo ku saabsan mabaadii’da guud ee hindise sharciyeedkan, inuu waafaqsanyahay shareecada Islaamka iyo dastuurka, saameynta miisaaniyadeed ee uu leeyahay iyo sidoo kale muhiimadda uu dalka u leeyahay weydiiyey wasiiru dowlaha.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Dib U eegista Sharciga la dagaalanka Burcad-badeedka iyo ka hortaga Afduubka Sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii April, sanadkii 1975-kii.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka iyo dadka islamarkaana uu ka mid yahay shuruucda bulshada Soomaaliyeed waxtarka u leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo amray in hindise sharciyeedkan lagu wareejiyo Guddiga Xuquuqul, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad si looga doodo, ayaa sheegay in Baarlamaanka 11-aad, isagoo kaashanaya culimaa’udiinka Soomaaliyeed uu soo saari doono shuruuc looga hortagayo dembiyada iyo tacadiyada ka dhanka haweenka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD.

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.

Ibraahim Guudle IsxaaqMay be an image of dais and textMay be an image of daisMay be an image of text that says "EA"May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and eyewearMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, beard, people studying and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and people studyingMay be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, suit, newsroom, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, beard and suitMay be an image of one or more people, dais and text

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -