Waxaa Hada gaaray Soo gaaray goobta uu shirka u dhexeeya madaxda DF iyo DG ka furmi rabo ee xerada xalane gaar ahaan teendhada Afisiyeeni Madaxweyne Farmaajo, MW Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kan Galmudug Ahmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Shirkan ayaana looga hadli doonaa arimaha doorashooyinka oo in mudo ah uu khilaaf xooggan ka taagan yahay sidoo kale waxaa wali aan hoolka soo gaarin madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland kuwaas oo dhex degan xarunta xalane.

Amaanku guud ee goobta ayaana waxaa la wareegay oo ilaalinaya ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM iyadoo ay ciidamada DF iyo Kuwa Dowlad goboleedyada laga reebay madaxda Soomaalida oo kaliya loo ogolaaday iney goobta gudaha u galaan ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo shirka ayaana soco doona ilaa galabta 5:00PM sida uu qorshaha yahay.

Lasoco wixii kusoo kordha

Zakariye Mahamed salaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here