Golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa beeniyay in ay ku kala aragti duwan yihiin qoraal xalay kasoo baxay golaha sare SSC-Khaatumo, kaasoo raali galin loogu diray Dowladda federalka Soomaaliya.

Garaad Cabdisalaan Garaad Maxamed oo maanta la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in garaadada u dhammaayeen warqadda ay soo saareen, wuxuuna sheegay in aanu jirin khilaaf ka dhex jira Khaatumo dhexdeeda.

Advertisement

“Annagu ma rabno inaan la dagaalamno dowladda federalka. Annaga dagaalkayagu wuxuu ku jeedaa Muuse Biixi iyo maamulkiisa iyo ciidamadan soo duulay, ee Waqooyi Galbeed ka yimid, in aanu waddankayaga ka sifayno, Gooja Cadde ka saarno baanu rabnaa,” ayuu yiri Garaad Cabdisalaan.

Inkastoo Garaadku sheegay in Dowladda federalka ay wax ka tabanayaan, uuna jiro qaladaad badan, haddana wuxuu sheegay, xilligan in aysan diyaar u ahayn in ay Dowladda la dagaalamaan, isagoo sheegay in Muqdisho ay yaalaan dhaawacyadii SSC.

Xalay ayay ahayd markii warqad shaki badan dhalisay ay kasoo baxday golaha sare ee  SSC-Khaatumo, taasoo raali galin lagu siinayay Dowladda federalka Soomaaliya.

Iyadoo Dowladda laga raali galinayay hadalo dhaleecayn ah oo maalmo ka hor uu saxaafadda ka sheegay Garaadka Guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali.

Previous articleMaamulka Puntland oo ku eedeysay dowladda federalka inay SSC ku cadaadinayso inay la heshiiyaan Somaliland
Next articleLabada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee JFS oo maanta fadhi wadajir ah ku leh Villa Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here