Golaha Isbadal Doonka Beesha Hilibi Maxamed ee Murusade oo Kulankii 3 ku Qabsatay magaalada Muqdisho Go aan wax ku ool ahna laga soo saaray

0

Shalay oo Jimca Aheyd 09/11/2020 waxaa kulan Kii 3-aad oo Isugu yimaadeyn Guddiga Farsama Beeshi Hillibi Maxamed Ee Murusade , Guddigaas Oo ka Shaqeyn Doono Midnimada , Wadajirka iyo Qabsoomidda Shir weynaha Beesha .

Kulan Shalay Ayaa Waxaa kusoo biiray Guddi laga soo xulay bahda waxbarashada, waxaana lagu kala war qaatay waxa ilaa hadda u qabsoomay iyo waxa u dhiman.

Dhalinyaradu waa laf dhabarta bulshadu eey ka dhaqaaqdo waxaana lagama maarmaan ah in lahelo Gole dhalinyaro oo sal balaaran oo matalaad kuleh qeeybaha bulshada oo dhan kuna yimaada hanaan doorasho xor iyo xalaal ah oo laga wada qeyb galo, waxaana eey maanta aad u lafa gureen qodobkaas.

Dhalinyarada is badal doonka ah ee HM waxa eey u diyaarsanyihiin waajibaad-kooduna yahay kana duulayaan mar kasta sidi eey u garaaci lahaayeen albaab kasta ee Mudane iyo Marwo oo kamid ah Beesha, si loo helo midnimo iyo wada shaqeyn mira dhal noqota oo waarta.

Waxaa eey isla qaateen guulna ugu soo dhamaaday maanta dhamaan qodobadi eey uga doodeen kulankoodi 3-aad iyadoona lagu ballamay in la dadajiyo waajibaadka shaqo ee lakala qaatay.

Waa arin mudan runti taageero iyo garab istaag,
Waxaana bogaadiyay dadaalkan iyo is xilqaanka eey wadaan dhalinyaradaan oo eey ku doonayaan islaaxa iyo wax qabsiga Bulshada wax garad badan oo beesha ka tirsan iyo kuwo kalaba.

 

MIDNIMO, HORUMAR, CADAALAD, IYO HIIGSI.
Shaqa wacan iyo Hufnaan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here