Golaha Nabadda & ammaanka Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay howlgalka wadajirka ah ee nabad ilaalinta Soomaaliya ee cutubka 7-aad oo sanadka soo socda la ballaarinayo sida lagu sheegay Bayaanka.

Qorshahaan waxa uu kaalin weyn ka geysanayaa howlgalka Qaramada Midoobay in ciidamo ay ku garab istaagaan Dalalka ka qaybgalaya inkasta oo tallaabadaan ay horay uga soo horjeesatay Dowladda Soomaaliya.

Askarta AMISOM ee Midowga Afrika hoostaga ayaa shaqadooda la ballaarinayaa waxaana howlgalkooda soo bilawday 2007-dii laga dhigayaa mid caalami ah oo ay ka qaybgalayaan Dalal ka baxsan Qaaradda.

Qorshe howleedka AMISOM oo ku siman dhammaandka 2021 ayaa la filayaa in la dheereeyo si loo gaarsiiyo 2027-ka, balse waxaa wax ka bedel lagu sameynayaa howlahooda si loo ballaariyana loo baahan yahay in Qaramada midoobay kaalin muuqato ka qaadato.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bixiya fasaxa muddo kordhinta Ciidamada Midowga Afrika, Wargayska The East African ayaa 28-kii August 2021 daabacay warbixin uu xogteeda kasoo xigtay khubaro ku dhaw qorshahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here