.

Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa cambaareeyey go’aankii uu Golaha Shacabka Soomaaliya qaaday 12-kii April, 2021 ee uu muddo laba sano ah ugu korhiyey muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamanka.

War-murtiyeed kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in go’aankaas uu dib u dhigayo doorashooyinkii Soomaaliya, islamarkaana uu waxyeeleynayo midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo hanaankiii lagama maarkmaanka ahaa ee dimqoraadiyadda iyo dastuurka.

Golaha ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey saameynta xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku yeelan karto nidaamka federaalka Soomaaliya, midnimada ciidamada iyo hay’adaha amniga iyo sii wadista dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qoraalka Golaha ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu rumeysan yahay in heshiiskii 17-ka September 2021 uu yahay saldhigga iyo habka ugu wanaagsan ee lagu qaban karo doorasho xilligeeda ku dhacdo, daah-furan oo la isku haleyn karo.

Waxa uu ugu baaqay hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay ahmiyad siiyaan danaha qaranka, ayna deg deg dib ugu billaabaan wada-hadallo saldhig looga dhigayo heshiiskii September 17, iyo soo-jeedintii guddiga farsamo ee Baydhaba ku kulmay bishii Febraayo.

Golaha ayaa sidoo kale ka codsaday guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu deg deg u magacaabo ergey, oo uu u diro Soomaaliya, si uu dhinacyada Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadda ugala shaqeeyo inay heshiis gaaraan, dibna warbixin ugu soo celiyo Golaha afar toddobaad gudahood.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here