HomeWarkiiGolaha Wasiirada maxay ka dheheen dagaalkii Balad-xaawo

Golaha Wasiirada maxay ka dheheen dagaalkii Balad-xaawo

Muqdisho, Khamiis, 31 Luuliyo 2025: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo.
Waxaana goluhu ku ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada garab istaagga ay u muujiyeen dowladnimada iyo ka shaqeynta nabadda gobolka Gedo, haddana ay shaqeynayaan xaruumihii dowladda ee bixin jiray adeegga-yadda.
Golaha Wasiirrada, ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ah ay mudnaanta siineyso dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, hadafkeeduna uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhammaystiran, cid kasta oo ka shaqeynaysa daganaansho la’aanna ay carqaladeynayso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka Nidaamka Maareynta Maaliyadda, iyo Xisaab-xirka sanadeedkii 2024.
— Dhammaad —May be an image of 2 peopleMay be an image of 8 people, table and daisMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, dais and newsroomMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, beard and daisMay be an image of 2 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -