HomeWarkiiGolaha Wasiirada Somalia oo maanta ansixiyay heshiis Difaac oo Dowladu la gashay...

Golaha Wasiirada Somalia oo maanta ansixiyay heshiis Difaac oo Dowladu la gashay Dalalka Pakistan,Qatar iyo Urdun+SAWIRRO

Muqdisho, Khamiis, 28 Agoosto 2025: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

Heshiisyada is-afgarad ee uu goluhu ansixiyey ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Kulanka golaha, oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagaga hadlay xaaladda amniga dalka, howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

— Dhammaad —

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -