Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Ali Yaasiin Sheikh u Magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Ali Yaasiin oo ah dhaqaalayahan Ku taqasusay Cilmiga dhaqaalaha, ayaa horay u ahaa agaasimaha Qorsheynta Wasaaradda Haweenka, sidoo kale Ali Yasin ayaa ahaa mid Ka mid ah barayaasha Jaamacadaha Soomaaliya ka dhiga Cilmiga dhaqaalah iyo Research-ka ama Cilmi baarista, waxaana dad badan ay u arkaan in uu yahay qofkii ugu haboonaa booskan Aqoontiisa iyo kartidiisa shaqada awgeed, waxaana laga filayaa in uu wax badan Ka badalo hanaanka dhaqaalaha ee Bankiga Dhexe ee dalka iyo kan Guud ee Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here