Golaha Wasiirrada Jubbaland ayaa soo dhaweeyay warbixintii guddida IGAD ay ka soo saareen khilaafka Kenya iyo Soomaaliya.

Jubbaland sidoo kale waxa arrin la yaab leh ku tilmaantay aflagaado ay sheegeen in dawladda Federaalku kula kacday madaxweyne Geelle.

Akhri qoraalka Jubbaland.

“Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa warbixintii Gudiga xaqiiqo
raadinta ee IGAD taas oo Goluhu u arkey warbixin xaqiiqa ah
dhanna aan u xaglineynin, Waxaa Dowlad goboleedka
Jubbaland ku noqotey arrin la yaab leh dacwadii ay DFS ka
gudbisey IGAD inay ku jirto aflagaado qayaxan oo loo gaystey
Madaxweynaha Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti
mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo qodobo badan oo lagaga
been abuurtay ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Xaalada
gobolka Gedo, Ganacsiga iyo kuwa kaloo badan taas oo
cadeynaysa masuuliyad xumada hogaanka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here