Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shirguddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayuu ku faray Hay’adaha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan halganka socda ee dalk.

Golaha ayaa warbixin ku saabsan howlgallada socda ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Generaal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo tilmaamay in uu socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Gobollada Dhexe ee dalka. sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Advertisement

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyey go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gaarey in uu dagaalka ka hoggaamiyo jiidaha hore, si dadweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida loogu dhiirrigeliyo halganka dalka ka dhanka ah Al-Shabaab

“Waxaan bogaadinayaa ciidamada Qaran ee geesiyaasha ah oo dalkeenna ka wada Jihaad ka dhan ah Khawaarijta, waxa ay sameynayaan taariikh cusub oo mar labaad looga xoroobayo argagixiso gumeysi ku haya dadkeenna”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dalku uu ku jiro dagaal la rabo qof walba in uu qaato doorka kaga aadden, iyada oo kulanka Golaha Wasiirrada lagu meelmariyey Hindise Sharciyeedka Da’yarta Soomaaliyeed iyo Xeer nidaamiyaha Maareynta Hantida danta guud iyo agabka dowladda

Previous articleWasaaradda Waxbarashada oo ku amartay dhammaan Ardayda doonaysa Jaamacadaha in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah
Next articleShan qodob oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in Dowladdiisa ay ku fulineyso 5-bil gudahood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here