Guddiga abaabulka banaanbaxa Sabtida oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa shaaciyay baraha ay isugu imaan doonaan banaanbaxayaasha iyo qaabka ay ku tagi doonaan fagaaraha Daljirka Daahsoon.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro hore, xildhibaano, wakiilo ka socday Midowga Musharixiinta.

Guddiga ayaa sheegay in banaanbaxa ammaankiisa ay masuul ka tahay dowlada midowga musharrixiintana ay lee yihiin dhigista banaanbaxa.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in ay diyaar yihiin agabkii loogu tala galay COVID19.

Guddiga ayaa goobta ku doortay Afhayeenka banaanbaxa waxaana afhayeen u ah wariye hore Yuusuf Xasan.

Ogeeysiis Banaanbaxa

Goobaha ay dadku iskugu imaanayaan oo ay iska raacayaan ayaa la iclaamiyay, dadku meelahaas ayeey isku aruursan karaan si ay ku gaaraan Daljirka Daahsoon

Isgooska Fagax
Isgooska Siinaay
Isgooska Mirinaayo
Isgooska KM4
Iyo Isgooska Zobe

Xaqaaga iyo Codkaaga haka tanaazulin.

Hala Soo Baxo Oo La Iska Dulqaado Digteeytarka!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here