XIGASHO LAACIB.NET
Kabtanka xulka Algeria, Riyaad Mahrez, ayaa haatan ah gooldhaliyaha ugu sarreeya (si wadajir ah) tartanka Koobka Qaramada Afrika 2025 (AFCON) ee ka socda dalka Morocco.
Tani waxay timid kaddib dhammaadka kulamada wareegga koowaad ee heerka group-yada oo la ciyaaray Arbacadii.
Mahrez wuxuu leeyahay laba gool, wuxuuna la wadaagayaa hoggaanka gooldhalinta weeraryahanka Senegal Nicolas Jackson iyo xiddiga Tunisia Elias Achouri.
Xiddigii hore ee Manchester City, Mahrez, ayaa dhaliyay laba gool (brace) kulankii ay Algeria 3-0 kaga badisay Suudaan Arbacadii.
Nicolas Jackson isna laba gool ayuu ka dhaliyay Botswana Talaadadii, halka Elias Achouri uu laba gool ka dhaliyay kulankii Tunisia ay kaga adkaatay Uganda Talaadadii.
Gooldhalinta AFCON ka hor kulamada wareegga labaad ee group-yada oo bilaabanaya Jimcaha:
Laba gool:
Riyaad Mahrez (Algeria)
Nicolas Jackson (Senegal)
Elias Achouri (Tunisia)
Waxaa Hal gool Wata:
Lyle Foster (Koonfur Afrika)
Semi Ajayi (Nigeria)
Ademola Lookman (Nigeria)
Amad Diallo (Ivory Coast)
Marvin Anieboh (Equatorial Guinea)
Mohamed Salah (Masar)
XIGASHO LAACIB.NET
